Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa toddbaadkan booqanaya dalka Maraykanka kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweyne Joe Biden, waxaana booqashadiisu noqoneysaa tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee muddo 20 sano ah uu madaxweyne Kenyan ah uu ku yimdaado Maraykanka.
Kadib muddo soddon sanno ah oo ay haysteen siyaasada Koonfur Africa ayaa ANC oo ah xisbi xukuma dalkaasi uu bishan waajihi doonaa doorashadii ugu adkayd, xili badi rayi uruurinta la sameeyey ay saadaalinayso in xisbigaasi uu markii u horeysay lumin doono aqlabiyada kuraasta baarlamaanka.
Xubno ka tirsan golaha Senate-ka ee Maraykanka kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa walaac ka muujiyay awoodda isa soo taraysa ee uu Ruushku ku sii yeelanayo Qaaradda Africa.